War Deg-Dega-Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Oo Ku Dhintay Qarax Loogu Xidhay Gaadhigiisa.

0

Hadhwadaag(Laascaanood):-Warar haddana Naga soo gaadhaya Gobolka Sool Ayaa Sheegaya In uu Ku dhintay magaalada Laascaanood Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool, Marxuumka Dhintay Ayaa Magaciisa La odhan jiray Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaana Wararku Intaasi Ku Dareen In uu Gudoomiyaha Maxkamadu Ku Dhintay kadib markii gaadhiga uu watay loogu Xidhay Aaladaha ama Walxaha Qarxa.

Ma jiro Warar Faahfaahsan oo kasoo baxay laamaha Amaanka ee Gobolka Sool iyo Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

Dilka Gudoomiyahan ayaa Imaanaya Waxyar uun Kadib markii laga baxay Salaada Casar.

Qaar kamida Bulshada Ku Nool gobolka Sool Oo aanu Khadka Telefoonka kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Sheegay In halmar uun lagu War helay Qaraxa Gaadhiga Gudoomiyaha oo marayey meel Waddo ah.

Maaha markii ugu Horeysay Ee Lagu Khaarajiyo Gudoomiye maxkamadeed xarunta Gobolka Sool, Iyadoo Inta la ogyahay Gudoomiye Hore uga shaqeyn Jiray maxkamada gobolka Sool Lagu Dilay Dil Toogasho ah iyadoona Xukuumada Somaliland dhawaan ay dil qisaas ah ugu fulisay Danbiileyaal loo haystay inay Dileen marxuumkaasi hore uga shaqeyn jiray maxkamada gobolka Sool, Waxaana uu Noqonayaa Gudoomiyahan maanta ku dhintay Qaraxu gudoomiyihii Labaad ee Lagu Dilo Xarunta Gobolka Sool.

 

Kala Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrintan Hadhwadaagnews.com