Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Adeega Boosaha Oo Aan Shaqeyn Intii Dalka Lagu Soo Noqday.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Mudane C,wali Sheekh Suufi Jibriil Ayaa Maanta xadhiga Ka Jaray Xafiiska Adeega Boosaha Somaliland oo Maanta Ay Daahfurtay wasaarada Isgaadhsiintu.

Xafiiskan Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo aan Shaqeyn Intii Somaliland Jirtay ee Dalka lagu soo Noqday, ayaa Shaqada bilaabaya Hadda oo ay noqonayso Xukuumada Madaxweyne Biixi Mid iridaha u furta Xafiiskaasi oo Shaqo Muhiima Qaranka u Qaban doona, Waxaana Xafiiskan oo lagu Qalabeeyey gaadiid iyo adeegyo Kala duwan.

Waxaana Wasiirku Sheegay In Wasaarada oo ay Qab kamid ah Shaqadeeda tahay Adeega Isgaadhsiintu oo ay wakhtigan Xaadir ku yihiin Shaqaale u Tababaran oo Wasaaradaha Dalka u kala Qaada Maalinkasta Boqolaal Waraaqood ayaa Noqonaya Kuwo halkii iyo meel ka sareysa Sii gaadhsiiya Shaqadii Boosaha ee ay Qaranka u hayeen.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.