Dhaawac Loo Geystay Nin la Dhashay Madaxweyne Mustafa Cagjar.

0

Hadhwadaag(Jigjiga):-Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Nin hubeysan oo xalay weerar loo adeegsaday Toorreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha degaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad

dhanka kale Ninka ku hubeysnaa ee weerarka u gasytay Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isna gacanta lagu dhigay waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado

 

Hadhwadaagnews Office

Jigjiga Dhulka Somalida Itoobiya.