War Deg-Dega-Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir oo Xilka Laga Qaaday.

0

Hadhwadaag(Banaadir):-Taliyihii Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Macallin Cabdullaahi,ayaa la sheegay in Xilkii laga qaaday.

Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegay in xilkaas si ku meel gaar ah loogu dhiibay Ciise Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha hoose ee hay’adda.

Ilaa hadda ma cadda sababta xilka looga qaaday Taliyaha nabadsugidda Gobolka Banaadir Ibraahinm Macalin Cabdullaahi.

La Soco Faahfaahinta Wararka Kasoo Kordha.