Dawlada Kenya Oo Somalia Ku Eedaysay Inay Kusoo Xadgudubtay Dhulkeeda.

0

Hadhwadaag(Nairobi):-Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda Soomaaliya inay kusoo xadgubeen madaxbanaanida iyo sharafta dhuleed ee dalkaas.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Golaha Amniga Qaranka dalkaas ay maanta kulan ka yeesheen eedeyn uu horey Kenya ugu jeediyey safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, iyo weerar ay sheegeen in ciidanka Soomaaliya ay kusoo qaadeen qaranimada dalkaas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in “xadgudubkan” uu dhacay maalintii Isniinta ee 2-dii bisha March.

Maalinkaas ayaa waxaa xuduudda magaalada Mandhera ee Kenya iyo magaalada Beled Xaawo ee Soomaaliya ku dagaalamay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Dowladda Kenya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay burburiyeen hanti ay leeyihiin shacabka Kenya ee degan magaalada Mandhera.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu yiri “ficilkan waxa uu ka dhigan yahay weerar aan loo qiil-dayin oo ciidamo shisheeye ay sameeyeen si loo daandaansado Kenya.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan sal lahayn eedeymaha ay usoo jeedisay dowladda federaalka ee ah in Kenya ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Soomaaliya inay joojiso “ololaha gefka ee ka dhanka Kenya iyo daandaansiga aan sababta lahayn, kuna mashquusho arrimaha guda dalkeeda.