Ciyaartoygii Ronaldinho Oo Loo Xidhay Isagoo Ku Safraya Baasaaboor Been Abuur ah.

0

Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka ee Brazil Ronaldinho ayaa lagu qabtay dalka Paraguay kaddib markii lagu eedeeyay inuu dalkaas kusoo galay isaga oo adeegsanayo baasaboor been abuur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Booliska Paraguay ayaa qabtay Ronaldinho iyo walaalkiis xilli ay ku sugnaayeen huteel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Asuncion.

Wasiirka arrimaha gudaha Paraguay ayaa warbaahinta ESPN Brazil u sheegay in haatan la baarayo Ronaldinho.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ku khaldaneyn qabashada Ronaldinho balse xaaladdiisa ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta si loo xaqiijiyo dambiga loo heysto.

Bishii July ee sannadkii 2019, waxaa lagu soo warramay in Ronaldinho lagala noqday baasaboorada dalalka Brazil iyo Spain kaddib markii uu bixin waayay canshuurta.

.

“Waa in aan qaddarinaa maadama uu yahaya ciyaartooy caan ah balse waa in la xushmeeyaa sharciga, qofka aad rabtid ahaaw, sharciga wuu ku qabanaya” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Paruguay, Euclides Acevedo.

Ronaldinho oo 39 jir ah ayaa labo jeer loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, wuxuu u safray Paraguay si uu soo shaac bixiyo buug iyo olole uu ugu doodayo in la ilaaliyo xuquuqda carruurta kasoo jeedo qoysaska saboolka ah.

Ronaldinho ayaa sanadihii 2004-tii iyo 2005-tii ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka ee ugu wanaagsan dunida, waxay xulkiisa qaranka Brazil ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee sannadkii 2002-dii, xilliggaas oo ay Brazil u wada dheeli jireen Ronaldo iyo Rivaldo.