Itoobiya Oo Lasoo Baxday Safiirradii U Fadhiyay 8 Dal Oo Kale Iyo Sababta”

0

Hadhwadaag(Addisababa):-lo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in dowladda Itoobiya ay uyeeratay qaar badan kamid ah safiiradeeda u fadhiyay wadamada caalamka sabab aan illaa iyo hadda la shaacin.

Telefeshinka Al Jazeera ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay labaxday safiiraddii ka fadhiyay illaa 8 dowladood oo isugu jira Yurub iyo Afrikaan.

Dowladaha ay Itoobiya safiiraddii kala soo baxday waxaa kamid ah Suudaan, Maqrib (Marocco), Biljamka iyo Ingiriiska, wargeys maxalli ah oo Itoobiya kasoo baxa ayaa sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay ka cadhootay mawaaqifta ay dowladahaas ka qaateen khilaafka ka dhashay biya xidheenka Al Nahda.

Wararka ayaa intaas ku daraya iyo maalintii Arbacada ay Itoobiya lasoo baxday safiirradii ka fadhiyay wadamada Koonfurta Suudaan iyo Australia, diblumaasiyiin ayaa sheegay in Itoobiya ay si aad ah uga cadhootay dowladaha Ingiriiska iyo Biljamka oo lasaftay dowladda Masar kuna baaqay in Itoobiya caddeyso waxa ay ka damacsantahay biya xidheenka ay ka dhisayso Wabiga Al Niilka.

Go’aankan cadhada leh ee Itoobiya qaadatay ayaa yimid maalin kadib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ay taageereen dadaallada ay wadaan Suudaan iyo Masar ee ka dhanka ah biya xidheenka Al Nahda.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay iska diiday inay ka qeyb gasho shirar ka dhici lahaa magaalada Washington oo Mareykanku uu ku dhax dhaxaadin lahaa sedaxda dowladood ee isku khilaafsan qeybsiga biyaha wabiga Niil.