Wasiirkada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Jsl Oo Booqday Nuuradiin Schools Oo Ah Hormoodka Dugsiyada Tayada Aqoonta Leh.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Waxaa Kormeer Shaqo oo Indho-indheyn ah Kusoo maray Dugsiyada Nuuradiin Gaar ahaan qaybta hablaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Waxaana halkaasi Kusoo dhaweeyey Maamulka iyo Macalimiinta dugsiyada Nuuradiin.

Ardayda Wax ka barata Dugsiyada Nuuraadiin oo Fasalada ay waxbarashada ku qaataan ku booqday wasiirku ayaa uga warbixiyey Dugsiga nuuradiin iyo si hagar la’aanta ah ee wax loogu baro, iyagoo Ku Amaanay Maamulka Dugsiga iyo Macalimiinta sida ay marwalba ugu heelan yihiin inay helaaan Waxbarasho tayo leh.

Mid kamida hablaha Dugsiga Wax ka barta oo ku hadlaysay Magaca Ardayda, ayaa Sheegtay  in ay Waxbarashadeed ka bilowday Dugsiga Nuuradiin fasalkii koowaad wakhtigana ay kamid tahay ardayda dhigta Dugsiga sare ee Nuuraadiin schools qaybtiisa Hablaha, kaas oo ay ku faraxsan tahay sida Xilkasnimada leh ee ay Maamulka Dugsigu ugu hagar baxeen Waxbarashooda, Waxaanay Wasiirka U sheegtay inay In ay Ilaa Heer Jaamacadeed ku dhamaysan lahaayeen haddii maamulka Nuuradin Schools u sameeyaan Qaybt Jaamacada, iyagoo wasiirka u sheegay inaaney jirin wax ay ku doorsan karaan Waxbarashada dugsiga oo ah Mid Ka duwan Kana tayo iyo Nidaam fiican dugsiyada Kale.

Inta La Ogyahay Dugsiyada Nuuraadiin Schoolks Oo isugu jira Dugsiyada Barbaarinta ubadka Hoose /dhexe iyo Dugsiyada Sare oo u kala baxa Qaybta Wiilasha & Gabadhaha una qaabeysan Goobo Munaasib ku waxbarashada ardayga iyo Bii’ad Nadaafad ahaan iyo Bilic ahaanba aad loo Nidaamiyey ayaa Kaalmaha hore kagaga Jira Dugsiyada tayada fiican leh ee Soosaara ardayda kaalmaha hore ka gala Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka.

Halkan Hoose Ka Daawo Warka Booqashada Wasiirka Waxbarashada.