Akhriso:Ujeedka Wafdiga Midowga Yurub ay u tageen Baraawe.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Garoonka Diyaaraha ee Degmada Baraawe,waxaa Wafdiga Midowga Yurub ku soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Dekadaha ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo xubno kale.

Ujeedka ay Wafdiga Midowga Yurub u gareen Degmada Baraawe,ayaa waxa ay tahay in ay kormeer ku sameyaan qeybaha kala duwan ee dhismaha Garoonka,maadama uu bixiyay midowga Yurub qarashka lagu dhisay Garoonka Diyaaraha ee Degmada Baraawe.

sidoo kale inta ay Wafdigan ku sugan yihiin Degmada Baraawe,waxa ay kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Baraawe,waxa ayna kala hadli doonaan Mashaaric laga fulinayo gudaha Degmada Baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya.