Aabbo Garbaha iyo Gacmaha Ku Sitay 7 Ubad ah oo Baarlamaanka Somaliland Oohin la Hortegay iyo Sababta Kalliftay

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Aabbo Gacmaha iyo Garbaha ku sita 7 Carruur ah oo ka mid ah sagaal uu dhalay, ayaa oohin la hortegay Xarunta Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Hargeysa, waxaanu Cabasho ka muujiyey Maamulka Dowladda Hoose ee Caasimadda oo uu Sheegay inay muddo bil ah ka haysteen laba Sac oo uu Carruurta mid ka mid ah u maali jiray.

Ninkaas oo Warbaahinta la hadlay markii uu Baarlamaanka oo aan labada gole ee guurtida iyo wakiillada midna fadhiyin Axaddii maanta, ayaa Warbaahintu wax ka weydiisay waxa isaga oo Carruurtiisa wata uu ka doonayo Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu markii hore Maxkamadda tegay, ka dibna laga soo eryey, sidaas awgeedna uu cabashadiisa doonayo inuu Baarlamaanka ka hor-muujiyo.

Haddaba, Warka Ninkan oo faahfaahsan, sida dareenkiisu ahaa iyo baaqa uu madaxda dowladda u jeediyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-