In Ka Badan 20,000 Qof Oo Dadka Reer China Ah Oo Qaatay Diinta Islaamka Kadib Markii Ay Xaqiijiyeen In Aanu Saameyn Ku Yeelan Xanuunku Dadka Muslimka ah.

0

Beijin(HNN):- Subxaanallaah Dhacdadan ayaa ka Danbeysay kadib markii Xanuunka Corona Virus ee Gilgilay Dawaladihii Sheegan jiray Inay ugu Awood Badan yihiin Dunida uu ka dilaacay Dalkaasi China magaalada Wuhan, Waxaana Arrinta Mucjisada ahi Noqotay kadib markii ay Dad ka badan 20,000 qof Rasmiya Ashahaadada loogu Qabtay masaajidada Dalkaasi China oo ay Qaateen Diinta islaamka, Waxaanay Wararku intaa ku dareen in dalka china la xaqiijiyey in aanu Saameyn ku yeelan Xanuunka Corona Virus guud ahaan dadka Muslimka ah ee ku nool dalkaasi.

Waxaana la ogyahay in Dalka China oo Si ka baxsan Xadka Bini aadamtinimada loogu dhibaatayn jiray dadka Muslimiinta ah ay markaliya ku war heleen xanuunkan cabsida galiyey dunida ee aan ilaa hadda la helin dawadiisa, iyadoo sidoo kale Jamhuuriyada iiraan oo iyana uu saameyn weyn ku yeeshay xanuunkaasi ay ku eedaysay inuu yahay Virus ay dawlada Maraykanku ku beertay dalkeedka kaas oo ay doonayso inay ku layso dadka islaamka ah, balse taasi waxay beenowday kadib markii laga qaylyey gudaha maraykanka oo dad badani u dhinteen xanuunkaasi dawladuna qarisay xadiga dhimashada dadka reer maraykan.

Halkan hoose Ka Daawo Dadka Reer China ee Qaatay Diinta Islaamka.