War Deg-Dega-Taliyihii Sirdoonka Dawlada Somaliland ee Gobolka Sool La Khaarajiyey.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Warar hordhac ah oo Hadda Soo Gaadhay Shabakada Hadhwadaag News Network ayaa u Xaqiijiyey In Caawa saacadu markii ay ahayd 9:00kii fiidnimo lagu khaarajiyey Taliyihii Nabadsugida Somaliland ee gobolka Sool.

Wararka aanu helayno ayaa sheegay in taliyaha lagu Dilay Gudaha magaalada laascaanood,  Taliyaha La Dilay Ayaa Lagu magacaabi Jiray Cabdi qani Guhaad,  Waxaana ilo wareedyo ku sugan Laascaanood sheegeen in Taliyaha la Khaarajiyey uu Todobaadkii u Danbeeyey baadhitaan ka wada Dilkii alle haw naxariistee Gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool oo dhawaan Qarax aan ilaa hadda la gareynayn cida ugu xidhay gaadhigiisa uu ku nafwaayey, Taas oo aaney haba yaraateen xukuumada somaliland iyo Laamaha amaanku ka hadlin.

La Soco Wararka Kasoo Kordha Dilka Taliyahaasi.