Home Maqaalo Somaliland oo joojisay duulimaadyada ka imanaya dalal dhowr ah

Somaliland oo joojisay duulimaadyada ka imanaya dalal dhowr ah

0

Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta joojisay duulimaadyada ka imanaya qaar ka mid ah waddamada laga helay cudurka Coronavirus.

Hargeisa(Hadhwadaag):-War-saxaafadeed kasoo baxay guddi Somaliland u xil saartay u diyaargarowga la dagaalanka cudurka Coronavirus ayaa sheegay in la joojiyay muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19-ka bisha March dhamaan duulimaadyada ka imanaya dalalka xaladoodu ay khatarta tahay, kuwaasi oo laga xusay dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Iiraan, Faransiiska, Spain, Koonfur Kuuriya, Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay inay Somaliland ay la socon doonto duulimaadyada ka imanaya wadamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo, kuwaasi oo rakaabka ka imanaya xaaladooda caafimaad sida la sheegay lala socon doono islamarkaana lagu samayn doono baadhis dhamaystiran, iyadoo dadweynahana loogu baaqayn inay ka baaqsadaan wixii safar ah ee aan muhiim ahayn.