Shirkada Fly Dubai Oo Shaaciyay Sababta Ay U Hakisay Duulimaadyadii Ay Ku Tagi Lahayd 26 Dal Iyo Kaalinta Somaliland Kaga Jirto.

0

“Haayada Madaarada Somaliland Oo Talhli Kariwayday Inay Shacabka Usoo Bandhigto Go’aanka Duulimaadka Shirkada Fly Dubai”

Hargeisa(Hadhwadaag):-Shirkada Duulimaadyada Caalamiga Ee fly Dubai Ayaa faah faahin Ka Bixisay sababta ay maanta u hakisay duulimaadyo u qorshaysnaa oo ay ku tagi lahayd wadamo kala duwan oo caalamka ka mid kuwaasi oo ay maanta garoomada Ugu xanbinayeen kumanaan Rakaab ahi.

 Shirkada fly dubai ayaa baaqashada safarkeeda ku sheegay in ay keentay shakiga laga qabo xanuunka dunida sida xawaaraha ugu faafaya ee Conora virus iyo awaamiir kasoo baxday dawlada Emaaraadka Carabka.

Sidoo kale wadamada ay ay duulimaadyadii fly dubai ku tagi lahayd ee ay Joojisay ayaa waxaa kamid ah Somaliland taasi oo sababta ay u iman wayday lala xidhiidhiyay amar kasoo baxay maamulka muqdisho balse aanay xaqiiqadu sidaa ahayd somaliyana aanay wax awooda ku lahayn hakashada Fly Dubai Ee Madaarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.

Dhanka Kale Haayada Madaarada Somaliland u Qaabilsan Ayaa Tahli Kariwayday Inay Shacabka u bayaamiso Sababta Keentay In Diyaaradii Fly dubai ay Socdaalkeedii Maanta ka baaqato inay kasoo degto dalka,

iyadoo Taaa Badalkeedana Maamulka Muqdisho ay Warar been abuura oo ay Soosaareen ku macneeyeen in markii ay shirkada Fly Dubai isku dayday inay kasoo degto Madaarka caasimada Somaliland ee hargeisa  amar Muqdisho ka yimid lagaga joojiyey inay dib uga laabato.

HALKAN KAGA BOGO WARBIXIN AY FLY DUBAI KASOO SAARTAY SOBOBTA AY UJOOJISAY SAFARADII AY KU TAGI LAHAYD OO GAADHAYA 26 DAL.