Hargeysa: Dadweynaha Oo Weli Ka Dhego-adaygaya Amarkii Ahaa In La Yareeyo Isku Imaanshiyaha.

0

Hargeisa(Hadhawadaag):-19-ka bisha March oo ku beegan Khamiista Maanta waxa qorshuhu ahaa inay fusho soo jeedintii Xukuumadda Somaliland ee ahayd inay Dadweynuhu yareeyaan isku imaanshiyaha, si looga gaashaanto Caabuqa Coronavirus.

Laakiin, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaanay waxba iska beddelin isku imaanshiyaha Dadweynuhu, waxaana Camiran Meheradaha Dadweynuhu ku kulmaan, sida Maqaaxiyaha laga Cabbo Shaaha, Dadkuna ku sheekaystaan.

Qaar ka mid ah Dadweyne isugu yimid Meherad shaaha laga cabbo oo ku taalla badhtamaha Hargeysa oo HCTV waydiiyey sababta ay ugu dhaqmi waayeen soo jeedintii Guddiga ka hor tagga Caabuqa Coronavirus ee ahayd inay Dadweynuhu yareeyaan iska imaanshiyaha, ayaa ku jawaabay “Ilaahay baanu aaminsan nahay.” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadweynaha Caasimadda Hargeysa oo Dad badan la fadhiyey Dallad yar oo Maqaaxidu u hadhaysay Dadka shaaha ka cabba.

Hase-ahaatee waxa fulay amarkii lagu fasaxay Dugsiyada Waxbarashada ee Somaliland, khamiista Maantana lama soo sheegin Dugsi Waxbarasho oo jebiyey Amarkii Guddiga ka hor-tagga Caabuqa faraha baas ku haya dunida.

Inkasta oo aan weli Somaliland lagu arag Caabuqa Coronavirus, haddana amar diidada Dadweynihii fadhiisan jiray Meheradaha suuqa, ayaa ku soo beegmaysa Xilli Talyaaniga oo ka mid ah dalalka Cudurkani ka dillaacay inay Shalay oo keliya ku dhinteen 475 Qof, kuwaasi oo qaadan waayay amarkii Dawladda ee ahaa inay guryahooda joogaan.

475 Qof ee Talyaaniga halka Maalin ku dhintay ayaa u badnaa Dad qaadan waayay soo jeedintii Dawladda, waxayna caabuqa qaadeen markii ay ku kulmeen meelihii la diiday inay yimaaddaan.