Weerar lagu qaadey Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya”.

0

Hadhwadaag(Nairobi):-Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo socdey ina ka badan Saacad,kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee Saldhiga weeraray.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac dagaalka kasoo gaarey,hayeeshee aysan cadeyn karin maadaama xilliga dagaalka uu dhacayay ay aheyd habeen.

Al-Shabaab oo ka hadley dagaalkaas waxaa ay sheegeen inay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow,hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi kasii dheer.

Wararka aan Maanta ka heleyno deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay deegaankaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,iyaga oo baadi goobaya xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaadey.