Kiisaska cudurka Corona ee Jabuuti oo kordhay.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 9 qof oo kale oo uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

Dhawaan ayay aheyd markii Jabuuti ay xaqiijisay 2 kiis oo ku saabsan cudurka Corona, haatan waxaa labadaas qof lagu haya xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.

Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga xaqiijiyay gudaha Jabuuti wuxuu ahaa askari u dhashay Spain oo kamid ahaa ciidammada shisheeye ee ku sugan dalkaas.