Dil Fool Xun Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Bajaajlayda Oo Wadooyinka Xidhay”

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in xalay uu Isgoyska dambe ee Magaalada Muqdisho uu ku diley Darawal mooto Bajaaj.

Dilka Darawalka Bajaajlaha ayaa yimid,kadib markii Askariga  iyo wadaha ay wada murmeen,waxaana askariga dilka geystey ay goobjoogayaal sheegeen in uu goobta ka baxsadey.

Qaar kamid ah Ehelada Bajaajlaha la diley iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa meydka goobta ka qaadey,iyaga oo geeyey Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Dhinaca kale qaar kamid ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada muqdisho oo ka careysan dilka Bajaajlaha ayaa waxaa in ka badan laba Saacadood ay wadada Maka Al-Mukarama ka dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in la soo qabto Askariga dilka geystey.

Banaanbaxayaasha ayaa xirey Isgoyska dabka,iyaga oo ku dhawaaqayey Erayo ay kamid yihiin ( Bajaajle dile dooni meyno) iyo erayo kale,iyaga oo ugu dambeyn si iskood ah banaanbaxa u joojiyey.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxaa askarta dowladda ay si bareer ah u dilaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajka,waxaana taasi walaac xoogan ka muujiyey Dhalinyarada ku Shaqeysata.