Tirada Maxaabiis La Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Uu Siidaynayo.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Tirada Maxaabiis La Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Uu Siidaynayo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus

Ilo-wareedyo ayaaWargeyska Geeska Afrikau khajiiyey warqaddan Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah.

Dhinaca kale, waxaa Wargeyska Geeska Afrika loo khajiiyey in Ciidanka Asluubtu uu khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka.