Home Maqaalo Somaliland oo joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.

Somaliland oo joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.

0

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa Soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo rakaabka ka imanaya Yurub iyo Maraykanka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,ayaa lagu sheegay in guddiga ay qiimeen ku sameyeen rabaabka ka imaanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka ee u soo safraya Soomaaliland,kuwaasi oo laga cabsi qabo in qaar ka mid ah Rakaabkaasi ay qabaan Cudurka Coronavirus.

1 laga bilaabo Maalinta Isniinta ah ee Tariikhda ku beegan tahay 30-ka bisha ay Somaliland u soo safri karin Rakaab ka imaanaya dhammaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Mareykanka.

2- Dhammaan Diyaaradaha Somaliland yimaadana lagu war gelinaya in Rakaab ku socda Somaliland aysan kasoo qaadin dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.