Khilaaf Cakiran oo ka dhex-qarxay Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida, Jawar Maxamed oo ka Hadlay iyo Wararkii u Dambeeyey

0

Hadhwadaag(Addisababa):-Siyaasiga Oromada ee Jawar Mohammed, ayaa ka hadlay khilaaf siyaasadeed  oo u dhexeeya Madaxda sare ee Dawladda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaas oo sababay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi uu duhurnimadii Khamiista maanta iskaga baxo magaalada Jigjiga.

Khilaafkan oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba uu la socday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaanu wax tallaabo ah ka qaadin, inkasta oo wararku sheegayaan inuu Madaxweyne Mustafe ku amray in aanu wax tallaabo ah qaadi karin, laakiin siyaasiga Oromada ee Jawar Mohammed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga dalbaday dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ee Madaxda deegaanka in aan la joogin waqtigii la is qabsan lahaa.Xiisad siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex jirtay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay la kala safan yihiin Golaha Wasiirradu ayaa xalay qaraxday markii uu Madaxweyne Mustafe xabsiga u taxaabay Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada, isla markaana uu xabsi guri geliyey Hoggaankii Nabadgelyada, kuwaas oo saaka xilalkii laga qaaday kaddibna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Jigjiga.

Qoraal luuqadda Af-soomaaliga uu ku qoray oo uu ku daabacay bartiisa Facebook oo ay ku xidhan yihiin dad ku dhow laba milyan oo qof, ayaa waxa uu Jawar Mohammed ku sheegay in aan la joogin waqtigii loollan siysaadeed ay Soomaalidu dhexdooda ka geli lahay, laakiin ay tahay inay la dagaallanka xanuunka Coronavirus u guntadaan.

Qoraalka Jawar oo dhamaystiran ayaa waxa uu qornaa sidan; “Walaalahayga Jigjigoow! Lama joogo wakhtigii xaalad iyo xiisad siyaasadeed la oogi lahaa. Waa wakhtigii la la dagaalami lahaa coronoviruska ee maaha wakhtigii la la dagaalami lahaa dadka loolanka siyaasadeed idinka dhaxeeyo!”