DAAWO VIDEO Iskalaaji iyo Arooskii ugu nasiibka badnaa Caabuqa karoona London UK.

0

Hadhwadaag(Arrimaha Fanka):-Waa Arooskii ugu nasiibka badnaa tan iyo markii uu caabuqaan karoona uu ka dilaacay dunida aroosadaan reer ingiriiska oo noqotay caruusaddii ugu nasiibka badneeyd taas oo arooskeedu dhacay maalin kahor inta aanan la shaacin xanuunkaan dilaaga ahi inuu soo gaaray dalkani ingiriiska caabuqaan oo noqday mid xanibaad badan saaray xaflado badan oo aroos ah kaas oo xabsi guri galiyay farxadii lamaanayaal fara badan.

Sidaad Muuqaalkaan VIDEO gaan Hoos idin kaga muuqda aad kuwada aragtaan waa aroos kadhacay magaalada london arooskaani oo noqday arooskii ugu nasiibka badnaa taniyo xiligii uu caabuqaan daran ee qabsaday adduunka oo dhan gaar ahaan dalka ingiriiska.

Waxaa hees LIVE AH kaqaadaya fanaanka qarniga xidiga sanadka cabdicasiis cali ciise iskalaaji oo aroodadaan u hagar baxay asagoo hees cusub iyo muuqaal qurux badan abaal marin kaga dhigay habeenka farxada arooskoodana garab buuxda kusiiyay codkiis toolmoon.