Kooxda Alshabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Garoonka Aadan Cade, iyo Xadiga Khasaaraha Ka Dhashay.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madaafiic hoobiyeyaal ah oo caawa lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo Amisom

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen saddex madaafiicda ka mid ah oo ku dhacay gudaha iyo banaanka garoonka.

Lama yaqaan halka laga soo riday madaafiicda, balse madaafiicda ayaa ahaa illaa saddex wareeg.

Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer oo hore xarunta Xalane ku weeraray madaafiic ay u adeegsadeen qoriga loo yaqaano hoobiyaha, ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerarkii caawa.

Qoraal lagu baahiyey idaacadda A-Shabaab ayey kooxda ku sheegtay in weerar madaafiic hoobiyeyaal ah oo ka kooban 9 ay ku qaadeen garoonka, islamarkaana 7 ka mid ah gudaha ay ugu dhaceen, inkasta oo aan taas la xaqiijin karin.

Xarunta Xalane ayaa fadhi u ah hey’ado caalami ah oo ay ugu horeeeyaan kuwa Qaramada Midoobey iyo sidoo kale safaarado dhowr ah, waxaana ammaankeeda suga xaruntaas ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa marar badan la beegsaday weerar hoobiye ah.