Deg Deg:Qaraxyo khasaaro Geystay Oo Maanta dhacay+Halka Ay Ka Dheceen”.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Deg Deg:Qaraxyo khasaaro Geystay Oo Maanta dhacay+Halka Ay Ka Dheceen”.

Saldhig ay deganyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxaa lagu qaaday weerarro qaraxyo ah oo loo adeegsaday gaadiid lagusoo xiray waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Shiikh Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in laba gaari oo qaraxyo siday ay soo aadeen dhinaca farriinsinka ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, balse la risaaseeyay halkaas oo uu mid kamid ah gawaaridii ku qarxay, halka kan kalena uu ku qarxay meel ku dhow madaarka Magaalada Baraawe .
Cumar Shiikh Cabdi ayaa waxa uu intaa ku daray in qaraxii dembe uu waxyeello soo gaarsiiyay garoonka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa waxey sheegteen masuuliyadda weerarkaasi.