Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Ku Fashilantay Qorshe Qaadka Lagu Joojinayo Oo ay Hore u Shaacisay iyo Arrimaha ka Dhashay.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):- Kadib Maaalmo ka hor Markii uu madaxweyne ku xigeen jsl mudane C,raxmaan Ismaaciil saylici uu ku dhawaaqay amaro kasoo baxay gudida uu hogaamiyaha u yahay ee xakameynta iyo ka hortaga xanuunka corona virus, ayaa ku aadna in xukuumada somaliland ay soosaartay amaro culculus oo lagu joojinayo qaadka kuwaas oo ay isla garteen dhamaanba qaadlayaashii keeni jiray qaadka dalka.

Hadaba Go’aankii Xukuumada oo u astaynaa Inuu dhaqalgano amarka dawlada ee ku aadan inaan dalka la keeni karin qaadka ayaa faashil noqday kadib markii caawa magaalada hargeisa ay dhacay in sidii caadiga ahayd loogu gadayo qaadka kolayada magaalada.

Gud. Gudiga Covid 19 Ee Somaliland Oo Ganacsatada ka Dalbaday ...

Bulshada Somaliland ayaa isku waydiisay waxyaabaha bedelay qorshihii dawladu ku joojinaysay qaadka iyadoo Sida muuqata ay kaliya isla qaateen in aaney qaadka keenin kaliya dhawrkii qaadwale ee ugu waaweyna balse ay jiraan kooxo iyo qaadlayaan aad u tiro badan oo iyagu ay kaliya tahay gadista qaadku isha kaliyaata ee dhaqaalaha dalku kasoo galo.

Waxaana Caawa Fiidkii Magaalada Hargeisa Hal mar soo wada galay kumaan gaadhi oo sida Qaad kala Duwan Kuwaas oo Soomariyey Goobo kala duwan iyo wadooyin aan ahayn mida tooska ah ee ka timaada galbeedka kuwaas oo aaney jirin habayaraatee wax cashuur iyo wado maris ah oo ay dawalda somaliland ka qaaday haba yaraatee,iyadoo taa bedelkeedana ay kumaan qaad wale ay sii galiyeen magaalada markii dhulku madoobaaday ee caawa, waxaana arrinta kaliya ee u fududeysay tahay in aaney ciidamada dawlada somaliland ka wada hawl gali karin Xadka dheer ee somaliland la wadaagto dalka itoobiya.

Bulshada Somaliland ayaa isku waydiinaya Qorshe Xumida Xukuumada Madaxweyne Biixi ee sababtay inay amar ku joojiyaan qaadka haddana iyadoon wax cashuura laga qaadin uusoo galo magaalada hargeisa, iyadoo waliba dadka iibsanayaa qaadkan si aad ah qiimaha kor loogu dalacay.

Dhanka kale Mar aanu La Xidhiidhnay magaalo Xuduudeeda Togwajaale ayaa Dadk ku sugan magaaladu noo xaqiijiyeen in Daanta shishe dhinaca itoobiya ay dhammaan wada yimaadeen ganacsatadii reer somaliland ee qaadku kuwaas oo guryo kala duwan ka kireystay daanta dhinaca itoobiya halkaana uu ugu imanayo qaadkii uga iman jiray itoobiya sidaana ay baabuur kootarabaan ahi kusoo galinayaan somaliland.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews@gmail.com