Jilaaga Caanka ah ee Amir Khan Oo Sadaqo Layaab Ku Noqotay Bulshada iyo Warbaahinta Siiyey Boqolaal Qof

0

Hadhwadaag(Delhi):-Jilaaga caanka ah ee Amir Khan ayaa sameeyey qaab cajiib ah oo uu ku caawinayo dadka masaakiinta ah ee dalka hindiya.

Waxa uu dadka u qaybiyey raashin dhan hal kiiloo oo daqiiq ah oo bac ku jira,Taasi oo meesha ka saartay in qof baahan mooyee cid kale aanay hungureyn,waayo kiiloo daqiiq ah cidna cadceed u istaagi mayso, qof ay duruufaha nololeed ku khasbeen mooyaane.
Hadaba waxay noqotay arinta deeqdan amiir khaan cajiibka ka dhigtay bac kasta oo kiiloo daqiiq ahi ku jirtey waxaa hoosta kaga jirtey lacag kaash ah oo dhan 15kun oo rubi oo u dhiganta 2kun oo dollar.
Waa deeq farxad galisay dadkii faqiiriinta ahaa dadkii kalena filanwaa ku noqotay
Oo saxaafada hindiya aad u hadal hayso
Dadka aad ula socoday in amir khaan uu saxsanaa marka loo eego in Sideedaba sadaqadu ay ku quman tahay qarsoodiga, sidaana uu ku saxsanaa Jilaagan caanka ah ee reer hindiya.