Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo Caawa Lagu Arkay Isagoo Xadhiga Ka Jaray Warshad.

0

Hadhwadaag(Washinton):-Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Meel fagaare ah lagu arkay kadib 20 maalmood oo aan la arkin, lagana dayrinayay xaalkiisa caafimaad.

Kim, ayaa xadhiga ka jaray warshad soo saarta waxyaabaha bacriminta loo isticmaalo, sida ay ku warrantay warbaahinta kuuriyada waqooyi.
Soo muuqashada Kim, ayaa meesha ka saaraysa wararka sheegayay inuu geeriyooday.

Iyadoo Inta la ogyahay Warbaahinta Dalka Maraykanka iyo Madaxweyne Trump ay si xoogan labadii todobaad ee ugu danbeeyey uga hadlayeen Nolosha Hogamiyaha kuuriyada waqooyi kaas oo ay ku sheegeen inuu u badan yahay inuu geeriyooday.

Xaqiiqada Ku saabsan Warka Madaxweyne Kim jong un ayaa noqonaysa Mid dhabar ku noqonaysa dawladaha Cadowga ku ah Kuuriyada waqooyi oo ay ugu horeyso dawlada maraykanku.

iyadoo Xaalada Amaan iyo wardoon ee dalka kuuriyada waqooyi uu yahay midaan habayaraatee u saamaxaynin  in Hay’adaha Sirdoonka iyo Basaasiinta Maraykanku gudaha u gali karaan, kana keeni karaan xogo la xidhiidha arrimahaasi.

Warbaahinta Dalka Kuuriyada waqooyi ayaa baahisay Muuqaalo Muujinaya In Madaxweyne kim uu nabad qabo islamarkaana uu ka qayb galay Xafladan xadhiga lagaga jarayeyey warshadan cusub.