Muqdisho-Wariye Caawa Lagu Khaarajiyey Magaalada Muqdisho & Ninkii dilka geystay oo ciidamada Amniga.

0

Muqdisho(Hadhwadaag):-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa la dilay weriye ka howlgeli jiray caasimadda.

Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali oo ka dhacay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi sitay, mana cadda sababta u u dilay iyo waxa kala dhaxeeyay, isagoo u geeriyooday dhaawaca Tooreyuu afar jeer ku dhuftay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii dilka u geystay Allaha u naxariistee weriye Siciid Yuusuf.

Weriye Siciid Yuusuf ayaa la shaqeyn jiray Telefishanka Kalsan TV, isagoo ka mid ahaa saxafiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho Office

Hadhwadaag News Network