War Degdeg: Diyaarad waday dad shacab (Rakaab) ayaa lagu duqeeyey Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay.

0

Hadhwadaag(Baay):-Breaking News-Diyaarad oo ay leedahay shirkadda African Express ayaa ka duushay Xamar waxay martay Baydhaba, waxay duulimaadkeedii usii wadatay Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay, ugu dambeyn halkaas ayaa lagu duqeeyey.

Maamulka shirkadda African Express ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in shan qof oo diyaaradda saarnaa ay ku dhinteen maadaama diyaaradda lasoo riday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ee halkaas jooga ay soo rideen diyaaradda oo ay duqeeyeen, laakiin Itoobiya warkaas xaqiijin iyo beenin loogama hayo wax war ah.