Abwaan Xassan Ismacil Weedhsame Oo Gabay Baroordiiqa Ku Tacsiyeey Alle haw Naxariistee Mujaahid Xassan Guure Jaamac.

0

Hargeisa(HNN):-Abwaan Xassan Daahir Ismacil Weedhsame ayaa alle haw naxariistee waxaa uu gabay baroor diiqa ku sagootiyey Mujaahid Xassan Guure Jaamac Oo kamida Tiirarka mujaahidiintii nafahooda iyo maalkooda ku bixiyey Qaranimada Somaliland.

Image may contain: one or more people and indoor

Halkan Hoose Ka Akhriso Gabayga Abwaan Weedhsame.

Geeriyahay sidii eebadii oofta nagu jiiday
Eed ma lihide waxad oofisaa amar ilaahaye
Naftu way ilmaysaa markaad qaaddo oday weyne,
Caawana ilays baa ka demay aradkan aan naale
Miyaad aastay Xasan Guurihii aayo-taliskiina?

Ayaan qudha lamuu aamusnaan erey samaaneede,
Aar iyo xaq-sheeg buu ahaa ururshe waayeele
Imaamkiyo runtiyo buu ahaa waayo-aragiiye
Abtirsiintu may oodi jirin lagu asqoobaaye
Arxan iyo tudhaaluu lahaa abid an liicayne
Eexaysi boobkuu necbaa iinta nagu taalle
Danta guud intuu oog u shiday tiisa ku illawye
Manuu urursan sida aynigii xoolo ummadeede
Iimaan iyo yaqiin buu lahaa aad u qaro weyne.

Inkastuu abaal noo galoo loona wada ooyey
Mar haddaan ilmadu oolinayn ruux ajali qaadi,
Allahayoow addoon buu ahaa aanu ulanaaye
Ifkii kala dhammaadee Rabboow iilka ku ilaali
Adigaa Abuurtaye Rabboow eegmo naxariisle
Nebigii udgoonaa Rabboow jooji agihiisa.