Gen Maxamed Xassan C.laahi Jidhif oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diray Ehelada iyo Qoyskii iyo Qaranka Jsl Ee Ka Baxay Marxuum Muj Xassan Guure.

0

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajucuun.

كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْت

Hargeisa(HNN):-General Maxamed Xassan C,laahi Jidhif oo ah Taliyihii Hore Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Alle Haw Naxariistee Qoyskii Qaraabadii iyo ehelka iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac, 

Gen Jidhif Waxaa uu Sheegay Inay Saaxiibo dhow ahaayeen Marxuum Mujaahid Xassan Guure jaamac isagoo sheegay inuu ahaa shaqsiyad Dun wanaagsan oo wakhtigiisa iyo maalkiisaba u huray qaranimada somaliland.

Waxaanu sheegay General Jidhif inuu Kamid Ahaa Marxuum Mujaahid Xassan Guure jaamac Alle haw Naxariistee Raggii ugu hal adayg sanaa ururkii Mujaahidiinta SNM isagoo door laxaad leh kasoo qaatay dib u dhiskii dalka.

“Xassan Guure jaamac Waxaa uu ahaa Saaxiibkay, Walaalkay, Way idamaqday geerida Marxuum mujaahid Xassan guure jaamac, Waxaan Ilahay uga Baryayaa inuu janatul Fardowsa Geeyo, Waxaa uu ahaa Shaqsi aad iyo aad ilaa xad u dabeecad iyo dadnimo wanaagsan, waxaa inaga baxay qaranka somaliland shaqsi tiir weyn u ahaa oo aan si dhib yar loo ilaawi doonin.”…sidaas waxa yidhi Gen Maxamed Xassan C.laahi jidhif.

Marxuum Mujaahid Xassan Guure Jaamac Oo Ay Gen Jidhif dad isku dhow oo saaxiibo ah ahaayeen ilaa wakhtigii halganka ayaa eebe uga baryay inuu naxariistii jano alle ka waraabiyo Marxuumka.