“Waxan Maqlay In Madaxwayne Muuse Biixi Xataa Cid Kale Daaye Aanu Qoyskii Uu Ka Baxay Xasan Guure Iyo Inantii Ee Keligeed Uu Dhalay Aanu Geerida Ku Timi Aabbaheed Ka Tacsiyadaynin…” Cali Guray.

0

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay geerida Marxuun mujaahid Xasan Guure Jaamac.

Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan:
KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA

RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA

Dhinaca ka hortagga COVID-19 Somaliland hal talaabo oo si run ah dhinaca saxa ah loo qaaday ma jirto. Mise waa sidii Cigaal Shiidaad iyo anigaa jab la maagan baa xaalku? Mise waaba ka bes. Anigu waxay ila tahay in aanay xukuumaddu waxba hagran ee intii ay madaxdu garan karaysay ayaan intaaba ka badnayn.

Gabay sabenal jaahiligii uu tiriyay nin Acraabi ahaa ayuu Rasuulku bayd ku jiray yidhi “Waxay acraabti tidhi kuwa ugu runta badan ayuu ka mid yahay” Baydku wuxu odhanayay “waxa farabadan sababaha eh dhimashadu waa mid keliya”

تعددت الا سبابُ والموت واحدُ

من اصدق ما قالت الإعراب

Hadaba COVID-19 hadii aanu hore u jirin wuxu ku soo biiray uun sababaha mawdka. Qof ama naf kasta intii aan la abuurin ifkana iman saacaddiisa iyo sababta mawdkiisuba looxal maxfuudka ayay ku sii dhignayd. Markaa wax uu sheegayo iyo wax uu soo kordhin karo midna ma jirto horta qof aan sabab looga soo dhigin oo aanay saacadiisi dhamaanin oo u dhimanaya ama uu dili karaana ma jirto eh bal ogaada.Iilka xabaasha ee maanta Xasan Guure la dhigay hortiina in badan baa la dhigay in badan oo kaleba waa la dhigi.

Geerida Xasan Guure waxan maqlay in Madaxwayne Muuse Biixi xataa cid kale daaye aanu qoyskii uu ka baxay iyo inantii ee keligeed uu dhalay aanu geerida ku Timi aabaheed ka tacsiyadaynin. Waayo? Anigu hadda u geli maayo. Xasan qalbi saliim ah iyo camalkiisii wanaagsanaa ee cid kasta oo taqaanay ay uga marag kacday ayuu Allihiisii la hor tagaye saw Muuse Biixi isagu maalin maalmaha ka mid ah iilka Xasan Guure la dhigay isagana lama dhigi doono oo isaguna camalkiisa Ilaahay la hor tegi maayo?

Ina Cabdalle Xasan markii Daraawiishi jabtay ee Cali Dhuux gabayga digashada u sii tiriyay wuxu kaga jawaabay Maansada Dardaaran. Ka aan u socdaa wuxu ahaa:

KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA

RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA

Ilaahay janadii farduusa ha ka waraabiyo geesigii quudhsi diidka ahaa ee weligii qoortiisu aanay u duloobin cid kale oo aan Ilaahay ahayn