Xaaji Ibraahim Barre Nuur Oo Kamid Ahaa Waxgaradka Kasoo Jeeda Gobalka Sanaag Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada.

0

Xaaji Ibraahim Barre Nuur Oo Kamid Ahaa Waxgaradka Kasoo Jeeda Gobalka Sanaag Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada

TACSI MADAXWEYNE:  21/05/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Ibraahim Xaaji Barre Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/05/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, kana mid ahaa mujaahidiintii halgankii dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa odayaashii seeska u dhigay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.