Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay Baydhaba.

0

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in qarax xooggan oo sababay khasaare nafeed uu galabta halkaas ka dhacay, sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caaismada Online.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay ka socdeen cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo loogu dalbaal-degayey munaasabadda ciidda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana dad gaaraya illaa iyo 15 ay ku dhaawacmeen, inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa intooda badan ah barakacayaashii ku noolaa xerada, waxaana dhimashada ku jira laba caruur ah.

Illaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda waxa sababay qaraxa, balse mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay inay loo maleynayo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dhacdadan

Goobta qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.