War Deg-dega-Taliye Ku Xigeenkii Ciidamada Asluubta Somaliland Oo Caawa Geeriyooday.

0

Hargeisa(HNN):-Warar Hadda Soo gaadhay Shabakada gabiley news Ayaa u Xaqiijiyey Geerida alle haw naxariistee Taliye Ku Xigeenkii Ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye guuto C/raxmaan Axmed Liibaan (Fooxle).

Alle haw naxariistee Marxuumka ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee magaalada hargeisa halkaas oo loo dhigay xaalad caafimaad oo degdega.

 sarreeye Guuto C.raxmaan Liibaan Fooxle ayaa alle ha u naxariistee u geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen cusbitaalka weyn ee hargeisa xanuun degdega oo dhinaca wadnaha ah oo ku soo booday.

Alle haw Naxariistee Marxuum sarreeye Guuto C,raxmaan Liibaan Fooxle Ayaa Wakhtigii ugu badnaa kasoo shaqeeyey ciidamada kala duwan ee somaliland isagoo wakhti dheer soo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland, oo dhawaan uu madaxweynaha Jsl Muuse biixi cabdi u bedelay inuu ka noqodo taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Somaliland.