Suudaan Oo La Wareegtay $ 4 Billion Dollar Oo Al-bashiir Shirkado Ku Maalgashaday.

0

Hadhwadaag(Sudan):-Dawladda Suudaan ayaa la wareegtay Hanti dhan 4 Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah oo uu lahaa Madaxweynihii xukunka Suudaan laga tuuray, Cumar Xasan Al-bashiir.

Sidaana waxa shaaciyey Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Suudaan, sida uu Wargeyska The National oo ka soo baxa Dalka Imaaraadka Carabta.

Muddo dheer oo uu xukunka Suudaan hayey Cumar Xasan Al-bashiir, waxa xukunka laga tuuray Sannadkii hore, 2019, waxaana illaa xilligaa dalku sameeyay isbeddelo ay ka mid tahay in la hirgeliyo Nidaamka dimuqraadiga ah, waxaana xukunka gacanta ku haya Ciidammada iyo Raysal-wasaare Rayid ah, Abdullah Hamdok, kuwaasi oo heshiis wada gaadhay.

Waaxda la dagaalanka Musuqmaasuqa Suudaan ayaa sheegtay inay la wareegtay Hanti ku jirtay Shirkado Saamilay ah, kuwaasi oo Hantida uu Madaxweynaha xilka laga tuuray geliyey dhan tahay inta u dhaxaysa $3.5 billion illlaa $4 billion, sida uu sheegayo Salah Manaa oo ah Afhayeen u hadlay Waaxda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Suudaan.

Lacagahan ayaa lagu ogaaday baadhitaano uu sameeyay Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqu, waxayna Hantidaasi isugu jirtaa Lacag lagu Maalgeliyey shirkado badan, dhismayaal iyo Hanti kale oo ma guurto ah, taasi oo marka la isku wada geeyo noqonaysa 4 Billion oo dollar.