War Deg-dega-Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab ka da’ay Galabta Magaalada Hargeysa.

0

Hargeisa(HNN):-Saddex Qof Ayaa Ku geeriyooday alle haw naxariistee roobo aad u weyn oo ka da’ay magaalada hargeisa iyo nawaaxigeeda galnimadii maanta.

Wallow aan la shaacin magacyada saddexda qof ee ku geeriyooday roobkan, haddana wararka hordhaca ah ee aanu ka helay ilo kala duwan oo dhinaca dawlada ah waxay noo xaqiijiyeen in ilaa hadda tirada dhimashada dadka roobka ku dhintay ay yihiin saddex qof.

Waxaana Badhasaabka Gobolka maroodijeex warbaahinta u xaqiijiyey in laba Nin oo watay gaadhi dawladeed uu qaaday dooxa weyn ee magaalada hargeisa kadib markii gaadhigu ka galay meel god ah.

Halka Qof dumar ahi iyadana alle haw naxariistee ay u Geeriyootay kadib markii uu qabsaday Laydhka magaaladu.

Khasaaraha Ka dhashay roobkan oo aan wali si dhaba looga war qabin wax faafhfaahin ahina aaney kasoo bixin dhinacyada dawlada haddana waxaa la saadaalin karaa marka loo eego culeyska roobka iyo wakhtiga uu socoday oo ku siman ilaa 40 daqiiqo ayaa keenay khasaare isugu jira Dhimashada saddexdaa qof ee hadda warkooda la hayo iyo khasaare kale oo tiro badan.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha arrintan.

 

Hadhwadaag News Network.

Hargeisa Somaliland.