Jamaal Cali Xuseen Oo Baafinaya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Kana Hadlay Fashilka Siyaasada Arimaha Debada Somaliland

0

Hargeisa(HNN):-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay gaabiska ku jira siyaasadii arimaha dibada somaliland.

Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu su,aal ku galiyey isbed bedelka uu Muuse Biixi kaga hal celinayo arimaha la xidhiidha wada hadalka somaliland iyo soomaaliya.

 

Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa ku baafinaya xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu ku dhaliilayo inaanu ka soo bixin doorkii looga baahna.

Siyaasi Jamaal Calu Xuseen ayaa ugu horayn qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

Shalay markuu qudbadda jeedinaayey madaxweynaha Soomaaliya waxaan moodayey inuu u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland inuu wadahadaladdii ka ogalaaday oo dib loo furayo. Sownigii moodaayey in ay dhowr wiig ka hor ay Somaliland tidhi kiiskayaga maxkamadda adduunka ayaanu hor geynaynaa oo ilaa ay ogoladaan inaynu nahay laba siman cidna la hadli mayno?

Xaggee bay salaaddu ka xidhmi la’adahay, mar waxaynu maqlaynaa la hadli mayno iyo hanjabaad kulul xagga kalena Muqdisho ayaa ina leh waanu wadahadalaynaa wax dafiraad ahna maynaan arag.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Jamaal Cali Xuseen su,aal galiyey doorkii looga baahnaa “Dalkani xisbiggii Wadani ee mucaaridka ahaa ee in ka badan boqolkiiba afartan codka dadweynaha helay xaggeey ka dhaceen oo maxay oo naqdiyi laayihiin siyaasadda arrimaha dibadda iyo maxkamaddaha iyo garsoorka iyo dhaqaalaha dalka iyagoo fursaddo talo soo jeedin ahna ka dhiganaya.