War Degdega-Fanaan Caan Ka ah Gayiga Somalida Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.

0

Hargeisa(HNN):-Alle haw naxariistee waxaa Hadda Magaalada Hargeisa ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Maxamed Maxamuud Cige ‘Busi’

Alle haw naxariisto Fanaan Maxamed Maxamuud Cige Busi ayaa kamid ahaa 30kii sano ee ugu danbeeyey fanaaniinta aad looga yaqaan gayiga ay soomaalidu degto.

Waxaanu caan ku ahaan heeso kala duwan oo u qaaday qaranka somaliland oo ay kamid ahayd heesta SOMALILAND DALKAYGA.

Alle haw naxariisto Fanaan Maxamed Maxamuud Cige Busi waxaa uu hadda ka tirsanaa fanaaniinta qaranka somaliland ee hoos taga wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta somaliland.

isagoo ahaa  Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland 

laahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo Marxuum Maxamed Maxamuud Cige “Busi”

Dhammaanba Shaqaalaha Kala Duwan ee Shabakada Hadhwadaag News Network Waxay Tacsi Tiiraanyo leh la wadaagayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Fanaan Maxamed Maxamuud Cige Busi. samir iyo iimaan saadiqa eebe haka siiyo dhamaan bahdii fanka iyo qaranka somaliland ee ka baxayba…Aaamin aaamin Yaa rabi.

Naxdin lagama waayiyo adduun inu nusqaamaaye,
Nasabiyo nin door baa galbaday niyad-faneedkiiye,
Nabad-geliyo naaraha Ilaah kaaga noqoy deyre.

Ereyo Kooban Oo Kamida Tacsida uu u diray Abwaan Xassan Daahir ismaaciil weedhsame.

 

 

Hargeisa Somaliland 

Hadhwadaag News Network