Deg Deg “: Chief Caaqil Cabdilaahi Cabdi Daray Oo Isaga Oo Nabadayn Ka Wada Degaanka Beeyo Macaan Ee Gobalka Saaxil Lagu Dilay.

0

Saaxil(HNN):-Kadib Makii laba beelood oo walaalo ahi ay dirir colaadeed maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmartay deegaanka beeyo macaan ee gobolka saaxil ayaa waxaa ka dhacay hadda wax aad ay uga naxeen dhamaanba shacabka reer somaliland.

Rabbi Haw-naxariiste Jiif Caaqil Cabdilaahi Cabdi Daray, Ayaa Isaga Oo Ergo Nabadeed ah lagu dilay deegaanka Beeyo Macaan ee bariga gobolka Saaxil.

Nabadoonka Ayaa Ergo U Ahaa Kala Dhex Galka Beelaha Walaalaha Ah Ee Shaqaaqadu Ku Dhex Marayso Degaanka Beeyo Macaan ah 
Labada Beelood ee Walaala ah Ayaa Ah Dad Ab Iyo Ood Wadaag Ah Oo Kuwada Dhaqnaa Degaankaas.
Xukuumada Somaliland ayaa Kadib Markii ay dirirtani dhexmartay dadka deegaankan ku wada nool u dirtay Ciidamado kala duwan kuwaas oo kala dhexgalay beelahan dagaalamaya si aaney dhibaatadu usii kordhin.
Waxaase War dhiilo iyo naxdin weyn xanbaarsan noqontay kadib markii maanta uusoo baxay warka sheegaya in deegaanka lagu dilay mid kamid madax dhaqameedkii u joogay sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa dadka walaalaha ah ee dhulka ku wada nool.
Xukuumada Somaliland ayaa La filayaa Inay Talaabo Sharciga Waafaqsan ka qaado, dareenadan iyo dirirahan colaadeed ee aan ahayn kuwii ugu horeeyey ee ka dhacay Gobolka barriga somaliland.
Berbera Somaliland
Gabiley News Network.