Gudoomiyaha Gobolka Sool oo xadhiga ka jaray qaybta Gargaarka deg dega ah ee Cisbitaalka Laascaanood.

0

Sool(HNN):-Guddoomiyaha gobolka Sool oo uu weheliyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka ayaa furay qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka magaalada Laascaanood.

Munaasibad kooban oo loo qabtay furitaanka qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka Laascaanood waxa kasoo qayb galay Maamulka cusbitaalka madax dhaqameed, iyo masuuliyiin kale.

Fahiima Jaamac agaasimaha cusbitaalka magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay la dardar galiyay adeegyada uu bulshada u hayo cusbtilaaku.

Maxamed Xaaji Khaliif isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha gobolka Sool ayaa ugu dambayn xadhiga ka jaray qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka magaalada Laascaanood kuwaas oo u mahad celiyay hay’adda Dhakhaatiirtka aan xuduudda lahayn ee MSF iyo addegyada ay ka caawisay.