Raysal Wasaare Abiye Ahmed Oo Hanjabaad Culus U Jeediyey Dadka Mudarahaadaya, Fariina u Diray kuwa uu Ku Sheegay Cadowga Itoobiya.

0

Addisababa(HNN):-Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa ku faanay in laamaha amaanka iyo deegaanka oromada ay soo afjareen rabshadahii maalmahii ugu dambeeyay ka socday dalka itoobiya, wuxuuna aaminsan yahay iney soo maleegeen cadawga dowladiisa dilka fanaankii dhacay iyo rabshadaha ka socoday maalmahanba.

Dr. Abiy ayaa kasoo muuqday talafashinka dowladda wuxuuna shir jaraa’id kaga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay dowladdiisa, sidoo kalana wuxuu xaqiijiyay in la qabtay gacan ku dhiiglihii dilay fanaankii caanka ahaa ee Hachaaluu Hundeesaa, balse ay kaliya dhiman tahay talaabada xigta.

“Dad looga shakiyay iney dileen fanaanka ayaa gacanta lagu hayaa, waxaana ku jira dad ku jira nidaamka dowliga ah,” ayuu yidhi Dr. Abiy Axmed.

“Aragtiyada naceybka xambaarsan ee la xidhiidha siyaasad ama qowmiyad ee dalka Itoobiya wax boos ah ugama banaana wixii hadda ka dambeeya, dadka raba in Itoobiya uu dhiig ku daadiyo waxaan leeyahay riyadaas marnaba ma rumoobi doonto”

“Xoogagg ku gabbanaya magac siyaasad ama qabiil ee doonaya waxa uu yahay dagaal magaalo, waxaan ku qasbanahay inaan tusno waxa uu yahay dagaal magaalo iyo guusha sida loo gaadhi karo, sidoo kalana dadka doonaya iney baraha bulshada ku riyoodaan waxaan u sheegayaa ineysan riyadaas marnaba rumoobi karin.”

Itoobiya ayaa waxaa Salaasadii Ina Soo Dhaaftay ka billowday rabshado kadib dhimashadii ninka heesaaga iyo u dhaqaaqe bulsho ee Hachalu Hundessa. Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.

Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiistii  lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Waxaana inta badan fanaankan Taageere weyn oo saaxiib ah la ahaa Siyaasiga Ugu Saameynta badan qowmiyada Oromia Mohamed Jawar, oo kamida da’yarta ay sida xoogan u aaminsan yihiin qowmiyadaasi, Waxaana ilaa hadda inta la ogyahay uu ku xidhan yahay mohamed jawar iyo hogaankii xisbiga mucaaridka ee oromia magaalada addisabab iyadoo loo qabtay kadib markii ay hor istaageen in maydka fanaanka laga qaado addisabab oo lagu aaso meel kale.