Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Maanta Kulan La Qaadatay Masuuliyiinta Cusbitaalka Hargeisa International.

0

Hargeisa(HNN):-Madaxda iyo Maamulka Cusbitaalka hargeisa International Hospital ayaa maanta kulan is xogwaraysi ah waxaa la qaatay madax wasaarada Caafimaadka jsl, Waxaana Madaxda Cusbitaalku uga warameen adeegyada kala duwan ee ay Bulshada u Qabtaan iyo sida ay ugu adeegaan Shacabka.

Cabdi Qawi iyo Cabaas Cabdiraxmaan Oo kamida Masuuliyiinta Madaxda cusbitaalka Hargeisa International ayaa uga horeyn waxaa ay faahfaahin guud uga warameen qaababka ay shacabka somaliiland ugu adeegaan iyagoo sidoo kale sheegay inay adeegyo Caafimaado oo lacag la’aan ah ay bil kasta iyo sanadkasta u qabtaan bulshadaa somaliiland.

Dhankooda Madaxda Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland oo uu ugu horeeyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka jsl Mudane Mahdi Cismaan buuri ayaa iyaguna dhankooda ku amaanay sida ay shacabka somaliland ku adeegaan cusbitaalkan Hargeisa International Hospital.

Waxaana Cisbitaalkan inta Badan bulshadu ku amaantay adeegyada caafimaad ee u qabto dadka,

isagoo hormuud ka ah cusbitaalada tirada yar ee loogaga maarmay cusbitaaladii dibadeed ee loo tagi jiray dalka dibediisa.

Waxaana aan la hilmaami karin doorka uu ka qaato La Tacaalida Xaaladaha caafimaad ee madaxda dalka iyo haldoorka reer somaliland ee inta badan loo dhigo xaalad caafimaad.

Waxaana Hargeisa International Hospital uu kaalmaha hore kagaga jiraa Xarumaha caafimaad ee ay ka hawlgalaan Dhakhaatiir Aqoon iyo takhakhus caafimaadba u leh.

 

Halkan Hoose Ka Daaawo Muuqaalka Warkan.