Muqdisho- Saxafi Wax Ku Qoray Facebook Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay.

0

Muqdisho(HNN):-Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha idaacadda Goobjoog ee ku taalla magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo horjoojiyey maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Gurbiye oo horey loogu xidhay gudaha muqdisho iyadoo hadda banaanka ku joogo damiin, waxaana uu wajahayaa eedo la xidhiidha qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa shalay warbixin ay soo saartay waxay ku tilmaantay eedaha ka dhanka Cabdicasiis Gurbiye kuwo aan dal lahayn.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ahaan uga hadlin dacwada ka dhanka ah weriyahan, iyo hadalka kasoo yeedhay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.