Taiwan Oo Shaacisay Mashaariico Horumarineed Oo ay Ka Gacan Siinayo Jamhuuriyada Somaliland Kana Falcelisay Aragtida Dawladaha China iyo Somalia.

0

Hargeisa(GNN):-Taiwan ayaa maanta markale ka hadashay xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen ee iskaashiga labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan (MOFA) ayaa si cad u sheegtay inay sii xoojin doonto xidhiidhka  cusub ee kala dhaxeeya Jamhuuriyada  Somaliland.

Dowladda Beijing ayaa wada dadaalo ay Somaliland uga dhaadhicinayso inaysan ku xad-gudbin madax-banaanideeda, isla markaana waxaa ay ku baaqday dawlada china in ay iyagu ka furan doonaan Safaarad ay ku yeeshaan somaliland balse aaaney wax xidhiidh ama cilaaqaad ah la sameynin Taiwan.

Taiwan ayaa sheegtay inaysan waxba u arkeynin qorshaha China iyo Soomaaliya, ee ka dhanka ah heshiiska cusub ee Somaliland wada gaadheen iyagoo sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo lamid ah dalkooda islamarkaana ay si weyn usoo dhaweynayaan iskaashigooda, balse aaney marnaba u joojinayeyn cid kasta oo ku lidi ah Cilaaqaadka labadan iyo dawladaha arrrintaasi u  arkaya talaabo iyaga la qaloocan.

Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi, Joanne Ou (  ) ayaa sidoo kale sheegtay in dadaalada Taiwan iyo Somaliland ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ay ku salaysnaan doonaan saaxiibtinimo dheer oo dhex-marta dadka iyo qiyamka guud sida xorriyadda, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo xukunka sharciga.

Waxa kale oo ay sheegtay in Taiwan ay ballaadhin doonto iskaashiga ay la leedahay Somaliland si tartiib tartiib ah dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba.

Dowladda Taiwan ayaa iyadu ku cel-celisay in aanay u hogaansanayn cadaadiska Shiinaha, ayna sii wadi doonto inay sii waddo iskaashiga ay la leedahay waddamada isku fikirka ah.

Talaabada ay Dawlada Taiwan kagaga falcelisay Wararka sheegaya in shiinaha iyo Somalia ay kasoo horjeedaan Xidhiidhka Labadan dal ayaa Si aan gabasho lahayn Daboolka uga qaadaysa in Xidhiidhka somaliland iyo Taiwan aaney ahayn kuwo ay u joojinaya Carqaladaha dawladaha aan jeclayn horumarka labada bulsho.