Eng Mubaarik Ciise Oo Kamida Ururka Xoojinta Qaranka jsl Ayaa Milicsi Taariikheed Ka Bixiyey Saamigii Beelaha Doorashadii Baaralamaanka Somaliland 1960kii Ilaa 2017kii….

0

ENG MUBAARIK CIISE OOMAAR  OO KA MID AH,MAAMULKA SARE EE
URUKA XOOJINTA QARANNIMADA SOMALILAND AYAA SI BALAADHAN U SHARAXAY SANADKII 1960 DOORASHADII BAARLAMANKA Somaliland IYO SIDII LOO KALA HELAY SAAMI QAYBSIGII KURAARASTA IYO DOORASHADII UGU DANBEYSAY EE DALKA KA DHACDAY SANADKII 2017-KA.

Mar alaale iyo markii Xisbiyadu ka heshiiyeen wixii dhex yaalay,ayaa markiiba lala soo baxay erayga Saami qaybsi oo aan anigu kariirad kale oo dadka qaar rabaan in ay u dhigaan doorashada laga heshiiye qabashadeeda.
Asalkaba hadad maqasho Saami qaybsi waa cadaalad in wax lagu qaybsado.badanaba sida dheefta loo qaybsado ayaa dhibtana loo qaybsada. Magta hadaynu eegno inta ugu badan waxaa bixiya reerka ugu rag badan. Sidaa darted ayey wixii dheef ahna ka badsanayaan.

 

Laakin qolyahan tay doonayaan waa sad bursi qofba siduu ku helayo ku raadsada,Nasiib daro Somaliland waxaa jira shakhsiyaad ama beelo ( Blackmail ) waxa ku raadsada oo micnaheedu yahay HADAAN SIDII LA II YEELIN ,Doorasho dhicimayso , Ictiraaf helimayno, nabadi jirimayso iyo wax ciil kaa dilo.

Waxaan yar sharxi doona siday waxay doonayaan Sad bursi ku noqdeen, iyo in ay dulmiyaan beelo kale.aniga doodaydu waxay ku salaysan tahay sida reeruhu u kala badan yihiin in ay kuraasta ku kala badsadaan ,waanay dhici karta in aanay dadka qaar ku qancin tirade ,laakin taa waxaa lagaga gudbi kara tirkoob rasmi ah cid walba raali ka tahay.

Inta taa ka horaysa aniga waxay illa tahay in wixii macluumaad ah ee aynu helaynayo soo ururino darisno markaa ka gaadho xal ku meel kaadha ah( Inkasta oo aan anniga shakhsiyan shaki igaga jirin sida loo kal badanyaha) macluumadka aynu haynu aan midmid u soo qaadno.

Tiro Ku koobnayd raga,oo ah illa imika kuwa lagu xisaabtamo ee Magta bixiye,intii ingriisku Somaliland ilaalinaaye.Xafiisyada DC waxaa shaqadooda ka mid ah ururinta magaha ,sidaa dartee wuxuu caaqil waliba keeni jiray inta lab ee reerkiisa magta bixisa,sidaa wxaa lagu ogaaday tirade (BADH) ka mid ah bulshada Maxmiyada ku noolayd bal waxaynu eegi doona tirada bari ,badhtamaha iyo Galbeed ee rag ah.

Dia paying Groups

Beesha Dhexe (Isaaq) tirada labka 420,000 nin

Beelaha bariga iyo galbedka{Harti,Samaroon Gadabuursi) 220,000 nin

isugayn 640,000 nin

Waa maxay PERCENTAGEKA ay ka kala heli lahaayeen 82 kursi

Beesha dhex 65.65% 54 kursi

Beelaha Bari iyo Galbeed 34.37% 28 kursi

———————————————————————————————–

B)Doorashadii British Somaliland ka dhacday 17/2/1960

Party Number of Votes % of Votes Number of Seats (33)

Somali National League (SNL) 42,395 52.10% 20 seats

United Somali Party (USP) 13,350 16.41% 12 seats

National United Front (NUF) 20,249 24.89% 1 seat

Somali Youth League (SYL) 4,626 5.69%

Others ‪746 0.92‬

Xisbiyada SNL iyo NUF beesha dhex ayaa taageeri jirtay waxay heleen 52.1% + 24.89% =76.99%

Xisbiga USP waxaa taageeri jiray beelaha darfyada waxay heleen 16.41%

Xisbiga SYL wuxuu helay 5.69%

Hadii aan kuraasta maanta oo ah 82 kursi ku qaybiyo PERCENTAGE ka berigaas

Waxay manta heli lahaayeen.

1.Beesha dhex( Isaaq) 76.9/100 x 82 = 63 kursi

2. Beelaha bari iyo Galbeed ( Harti, Samaroon iyo Ciise ) 16.4/100 x 82 = 14 kursi

3. SYL 5.69/100 x 82 = 5 kursi

Fiiro Gaar ah . Xisbiga NUF oo 20,000 cod helay hal kursi ayuu helay

Xisbiga USP oo 13,000 cod helay 12 kursi ayuu helay

Sidaa 20,000 qof ayaa ku waaye cid matesha.

Doorashadii dhacday 26 June,2010 ee Riyaale iyo Siiraanyo ku tartamayeen

Tirada cod bixiyayaasha gobolada.

Awdal 176,916 16.5%

Sool 98,313 9.1%

M/Jeex 361,499 33.8%

Saaxil 43,090 4 %

Togdgeer 243,229 22.7%

Sanaag 146,369 13.7%

Total Total 1,069,326

Tirada maalinta doorashada codaysay Beesha dhexe waxay ka noqonaya 68%

Saamigay 82 kursi ku yeelanaysaana maalintaa waxay noqon lahayd 68% x 82 = 56 kursi

Tirakoobi UNta ee 2014 kii laga sameeye wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Somali.

Natiijada tirakoobkani waa ka qolyaha sad bursiga doonaya ee ay marin habaabisay (Awdal Monitor Group) si uu u badiyo beelaha bariga iyo galbeedka oo uu beesha dhexe u yareeyo wuxuu sameeye JADWAL jeebkiisa ah,wuxuu qoraya Awdal Isaaq 0%. Waqooyo Galbeed Tirada Isaaq 75%, Togdheer 70%, Sool 10%,Sanaag 45%

Sidaa dareet wuxuu naftiisa iyo ummada kale gaadhay in Isaaqu Somaliland ka yahay 40%, Non Isaaq na yahay 60%

Anigu Awdal oo Samroon,Ciise iyo Isaaqba dagana, percentage isaaq iyo inta Samaroon Waqoyi Galbeed ( District Gabiley)ka dagta ayaan ISU TUURAY.

Togdheer Wuxuu ka dhigay Isaaqa 70% isaga 30% oo uu jaray Boohoodle

Sool Isaaqa Wuxuu ka siiye 10% oo u jeedo tirada Caynaba degta .laakin aanigu Boohoodle iyo Caynaba waan isu tuuray, bicdama tira isu dhow ayey yihiin Boohoodle iyo Caynaba

Sanaag wxbadan muu farfarayn,sidaa darted ayaan sidan u xisaabiye

Awdal 673,000 19% 15 kursi

Waqooyi Galbeed 1,242,000 35.4% 29 kursi

Togdheer 721,000 20.5% 18 kursi

Sool 327,000 9.3% 8 kursi

Sanaag 544,000 15.5% 13 kursi

ISUGAYN 3,507,000

Kuraasta beesha dhexe Waqooyi Galbeed 29 + Togdheer 18 + 1/2 of Sanaag = 53 kursi, 64%

Kuraasta beelaha bari iyo Galbeed 29 Kursi, 36%

Tirada cododka Gobolada doorashadii Madaxtooyada ee 2017

Awdal 102,000 11 kursi

M/Jeex 250,000 29 kursi

Sanaag 80,000 10 kursi

Saaxil 60,000 7 kursi

Sool 65,000 8 Kursi

Togdheer 147,000 17 kursi

Total 704,000

Beesha dhex waxay tiradaa ku helilahayd 58 out of 82