Safiirka Somaliland ee Germany oo Shahaado Sharafyo Dhiiri galin ah Gudoonsiiyey Arday Dhamaystay Xirfado kala Duwan

0

Germany(HNN):-Munaasabad kooban oo ay soo Qaban Qaabiyeen Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Bayern ayaa Xalay ka Dhacday magaalada Munich taasi oo lagu Dhiiri Galinayay Arday Dhamaystay Xirfado kala Duwan.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay Safiirka Somaliland ee Germany Mustafe Yusuf Ismaaciil, Hogaanka Jaalliyada Guud ee Somaliland Germany, Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Bayern iyo Gudoomiyaha Wakaalada Qurbajoogta Somaliland oo Khadka Telefonka kaga Qayb galay.

Daawo Sawirrada oo Goor dhawna Haldoornews.com kala soco Muuqaalka Xaflada oo Dhamaystiran.