Khudbadii Madaxweyne MBC ee Shir Weynihii 4=aad ee Xisbiga KLMYE: “Waxay ahayd Khudbad ay ku dheehan tahay XIGMAD culus iyo XEELAD qoto dheer.”..W/Q:-Hussein Deyr.

0

“Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye waxa ku waajib ah inuu Qaranka mideeyo, oo uu Qaranku wax wada lahaado oo uu danta guud ka midoobo, magaca Xisbiga Kulmiye ayey ka muuqataayoo ummadda waan kulminayaa meel kasta oo ay joogaanba!”

Weedhahani waxay ahaayeen weedho xambaarsanaa rajo iyo yididiilo shacab iyo arrimaha ay bulshadu ka filan karaan Xukuumada Madaxweyne MBC mustaqbalka dhaw. Weedhahani waxay ku jireen khudbadii uu Madaxweynaha JSL ka jeediyey Shir Weynihii 4-aad ee Xisbiga KLMYE oo 04/10/2020 si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne MBC wuxuu Shirka ka jeediyey khudbad aad u qiima badan oo Taariikhi ah oo aad u soo jiidatay quluubta iyo dareenka Bulshada JSL, gudaha iyo dibebadaba, waxana aan odhan karaa waxay ahayd Khudbad la meeqaam ah Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee uu Madaxweynuhu ka hor jeediyo fadhiga wadajirka ah ee labada Gole Qaran ee Sharci Dejinta.

Madaxweyne MBC wuxuu ugu horaanba hoosta ka xariiqay in munaasibada Shirweynihii 4-aad ee Xisbiga KLMYE ay tusaale, hiraal iyo laab-qabowsiba u tahay inta jecel samaha, nabada, horumarka iyo Qarannimada JSL, dhinaca kalena ay naxdin iyo qalbi jab ku tahay cadowga Jam. Somaliland ee noocyada badan leh.

Madaxweyne MBC wuxuu khudbadiisa kaga xog waramay in Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga KLMYE uu ku soo beegmay xilli ay Caalamka ka socdaan isbedello waaweyn oo xawli ku socda oo ah xaga Teknoolajiyada, xaga Dhaqaalaha iyo xaga Horumarka Bulshada, kuwaasoo saamayn toos ah ku leh qof kasta oo ku nool dunida guudkeeda.

Madaxweyne MBC wuxuu si xogo-gaalnimo leh uga hadlay guud ahaanba arrimo badan oo Qaran ahaan iyo Bulsho ahaanba ina horyaala, oo ay ugu horeeyaan Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah, gaar ahaana isbedellada dhaqan-dhaqaale, kuwa nabad gelyo iyo kuwa siyaasadeed ee saamaynta badan leh iyo loollanka u dhexeeya Quwadaha waaweyn ee Dunida iyo sida ay quwadahani ugu tafa-xaydan yihiin ishana ugu hayaan Qaarada keliya ee leh khayraad dihin oo ah Afrika, mandaqada Geeska Afrika oo ay Somaliland ka mid tahayna ay tahay buqcad ku suntan isteraatijiyad caalami ah taasoo ay Quwadaha Caalamku ay ku hirdamayaan ama u kala dheeraynayaan.

Madaxweynuhu wuxuu si dareen iyo feejignaanba leh uga hadlay sida ay Qaran ahaan iyo ummad ahaanba lagama maarmaan iyo waajiba inoogu tahay, inagoo ummad ahaan midaysan oo meel u wada jeedna, sidii aynu ula jaan qaadi lahayn isla markaana aynu ugu diyaar garoobi lahayn labada ariimood ee kala ah:

1. Sidii aynu Qaran ahaan quluubteena, caqligeena iyo cududeenaba isu geyn lahayn ee aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha inooga bannaan isbedelladaa xawliga ku socda ee haatan ka socda Caalamka xag Dhaqaale, xag Isteraatijiyadeed iyo xag Siyaasadeed, kuwaasoo ka unkami kara Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah;

2. Sidii aynu uga bedbaadi lahayn saamaynta taban iyo waxyeelada inaga soo gaadhi karta Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah dunida ka socda, si gaar ahna ugu wajahan mandaqada GeeskaAfrika;

Madaxweynuhu wuxuu si XIGMAD iyo XEELADBA leh uga hadlay in sida keliya ee looga faa’iidaysan karo fursadaha inooga banaan Hirdanka iyo Ged-gedoonka siyaasada Caalamka, isla markaana aynu Qaran ahaan uga bedbaadi karno waxyeelooyinka ku ladhan isbedellada Caalamka, ay tahay inagoo muxaafid iyo mucaaridba u midowna danta guud, inagoo isku duuban, inagoo quluubta iyo qarannimada ka midowna, inagoo danta guud ee ummadeena ka horraysiina dano ay leeyihiin kooxo gaar ahi.

Madaxweyne MBC wuxuu sheegay in arrimaha Qaran ahaan iyo Bulsho ahaanba ina horyaala (xag nabad gelyo, xag dhaqaale, xag horumar, xag qaranimo iyo xag wax wada lahaansho) ay u baahan yihiin in aynu ku waajahno talo wadajir ah, wada tashi qaran iyo quluubta ummadeena oo aynu midayno meelna u wada jeedino.

……. La soco qaybta labaad:

“Weedhihi rajada iyo yididiiladaba xambaarsanaa ee laga dheehan karayay khudbadii uu Madaxweynaha JSL ka jeediyey Shir Weynihii 44-aad.”

 

 

W/Q:-Eng Hussein Adan Cige (Deyr)