“Weedhihii Rajada iyo Yididiilada lahaa ee ku jiray Khudbadii Madaxweynaha JSL ee Shir Weynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye.”..

0

Madaxweyne Muse Biixi khudbadii Shir Weynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye wuxuu is dul taagay in horumarka uu Qarankeenu hiigsanayo ay saldhig u yihiin kolba sida ay xilka iyo masuuliyadaha Qaranka u gutaan ama ay uga soo baxaan waajibaadka saaran saddexda waaxood ee ay ka kooban tahay Dawladnimadu (Fulinta, Sharci Dejinta iyo Garsoorka), maadaama ay yihiin Haya’daha Qaranka ee ummadda ka dhexeeya ee ay ku midaysan yihiin.

Haddaba, weedhihii rajada iyo yididiiladaba xambaarsanaa ee laga dheehan karayay khudbadii uu M/weynaha JSL ka jeediyey Furitaankii Shir Weynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye (04.10.2020) iyo arrimaha ay Xukumadiisu siinayso mudnaanta koowaad waxa ka mid ahaa:

1. DAWLAD WANAAG IYO MAAMUL HUFAN:

Xukuumada talada haysa waxa ka go’an in ay ummadda u horseedo Dawlad wanaag iyo Maamul hufan oo ku qotoma caddaalad, sinnaan, wax-wada-lahaansho iyo dhaqaalaha Qaranka oo loo sinaado,

2. U SINAANSHAHA KHAYRAADKA QARANKA:

Xukuumada talada haysa waxa ka go’an in adadku u sinaadaan khayraadka iyo wixii uu Qaranku hayo ee ummadda ka dhexeeya, gobol kasta, degmo kasta iyo meel kasta oo uu muwaadinku joogaba;

3. U SINAANSHAHA FURSADAHA SHAQO EE QARANKA:

Waa in loo sinaado fursadaha xagga shaqada iyo horumarka nololeed ee muwaadiniinta. Si taasi loo suurto geliyana Xukuumada talada haysaa waxay ka leedahay qorshe iyo bernaamij cad oo lagu xaqiijinayo u sinaanshaha fursadaha shaqooyinka qaranka, taasoo ah in dhammaanba shaqooyinka ka bannaan Qaranka loo galo tartan xalaal ah,

4. QAYBINTA DEEQAHA MAALIYADEED EE CAALAMKA INOOGU DEEQO:

Si ay Gobollada iyo Degmooyinka dalku isula jaan qaadi karaan xagga horumarka, Xukuumada talada haysaa waxay guddi 11 Wasiir ah u xil saartay dejinta nidaam lagu qorshaynayo laguna qaybinayo dhammaan wixii deeqo ah ee inaga soo gaadha Bulshada Caalamka, iyadoo loo eegi doono Gobol iyo Degmo kasta baahiyaha u gaarka ah iyo arrimaha mudnaanta u leh,

5. DIB-U-HABAYNTA XEERARKA SHAQADA:

Xukuumadu waxay dib u habayn ku samaysay Xeerarka shaqada, shaqo gelinta, xuquuqda iyo waajibaadka Shaqaalaha ee cududa Shaqaalaha Dawlada,

6. BERNAAMIJKA TIRO KOOBKA SHAQAALAHA XUKUUMADA:

Xukuumadu waxay samysay bernaamijka tiro koobka shaqaalaa Xukuumada oo lagu xaqiijiyey madax ka kow,

7. DIB-U-HABAYNTA QAAB DHISMEEDKA HAYA’DAHA QARANKA:

Si loo ogaado awooda ama itaalka ay leedahay Haya’d kasta ooka mid ah Xukuumada, Xukumadu waxay dib u eegis iyo dib u habayn ku samaysay qaab dhismeedka Wasaaradaha iyo Haya’daha Xukuumada oo dhan,

8. XEERARKA IYO SIYAASADDA HAWL-GABKA SHAQAALAHA DAWLADA:

Xukuumada hada talada haysaa waxay dejisay oo ay diyaarisay Xeerarka iyo Siyaasalda Hawl gabka Shaqaalaha Dawlada, oo laga bilaabo 2021/2022 loo diyaariyey kharashkodii oo la siin doono mushaharka hawlgabka cidii buuxisa shurudaha laga rabo.

9. XEERARKA IYO SIYAASADDA HAWL-GABKA CIIDAMADA QARANKA:

Sidoo kale, Xukuumada hada talada haysaa waxay dejisay oo ay diyaarisay Xeerarka iyo Siyaasadda Hawl-gabka Ciidamada-Qalabka-Sida, taasoo iyana dhawaan loo gudbin doono Golaha Wakiilada,

10. DOORKA HANTI-DHAWRKA QARANKA:

Si loo helo maamul hufan iyo hannaan shaqo oo daah-furan, Xukuumada talada haysaa waxay muhimad iyo mudnaan gaar ah siinaysaa doorka uu Hanti-dhawraha Qaranku ku leeyahay toosinta iyo turxaan bixinta habsami u socodka maamulka Haya’daha Xukuumada. Hanti-dhawraha Qaranku keliya kama masuul noqon doono ka hortaga iyo daba galka lunsiga hantida Qaranka, laakiin Xukuumadu waxay xilkiisa ku soo kordhisay ilaalinta iyo kormeerka ku-dhaqanka sharciga iyo dabbaqaada xeerarka muumul wanaaga iyo hab-maamulka hufan oo laf-dhabar u daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Xukuumada.

11. CADDAALAD HUFAN IYO HANNAAN GARSOOR OO DHEX DHEXAAD AH:

In la helo Caddaalad Hufan iyo Hannaan Garsoor oo dhex dhexaad ah oo ay ummadu ku kalsoonaan karto kuna soo hiran karto waxay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee maamulka taasoon. Sidoo kale, waxa iyana lagama maarmaan ah, in la sugo, la dhawro oo la ilaaliyo Xuquuqda Aasaasiga ah, Cirdiga, Karaamada iyo Sharafta Muwaadinka (taasoo ah Xuquuqaha Aasaasiga ah ee uu Dastuurku Muwaadinka u damaanad qaaday), taasoo ay Xukuumadu siinayso mudnaanta koowaad. Is waafajinta labadan arrimood ee kor ku xusan waxay horseedi kartaa in si miisaaman loola dagaalamo falal dambiyeedka, xad-gudubyada laga galo shuruucda Qaranka iyo kuwa bulshada sharka ka dhex wada,

…..la soco qaybta sadexaad…. In Sha Allah..

 

W/Q:-Eng Hussein Adan Cige Deyr.