Dr. Cali Khaliif oo ku geeriyooday Jigjiga iyo Madaxweynaha JSL oo Tacsiyeeyey.

0

Alle ha naxariisto ee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Siyaasi ruug-cadaadi ah oo door badan ku lahaa dib-u-dhiskii Somaliland.

Geerida Marxuumka ayaa waxa xaqiijiyey Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dr. Galaydh ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuun ku soo booday oo uu labadii maalmood ee u dambeeyey u jiifay.
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaranka ka tacsiyadeyey geerida Cali Khaliif.
Dhambaal Tacsi oo ah ka soo baxay qasriga Madaxtooyada JSL, ayaa lagu sheegay sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/10/2020 caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ruugcadaa waaya-araga oo ku xeel dheeraa arrimaha siyaasada, isla markaana door weyn ka soo qaatay Aasaaska iyo dhismii dalka Jamhuuriyada somaliland, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa sooyaalka taariikhda ummadda afka Soomaaliga ku hadasha khaasatan taariikhda Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”